​Israel oo ka jawaabtay qaraarka golaha ammaanka

Image

Dowladda Israel, ayaa ka jawaab celisa qaraar ay ansixiyeen golaha ammanka Qaramada Midoobay  kaasoo ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharci darrada ah ee Yuhuuddu ka wado dhulka Falastiin.

Ra'iisulwasaare, dalkaas Benjamin Netanyahu, ayaa saxaafadda u sheegay in xukuumaddiisu aanay aqbali doonin shuruudaha ku jiro qaraarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ceeb ah.

Wuxuu sheegay in qorshahaas aan loogu yeeri karin qaraar balse uu yahay mid lagu dhaleecaynayo xukuumadda Israel islamarkaana lagu joojinayo hormarinta ay wadaan.

Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa dabada ka riixayay in qaraarkaasi la meel mariyo.

Arrintaasi darteed Israel, ayaa wadatashi ugu yeertay safiiradeeda u fadhiyay dalalka New Zealand iyo Senegal, labadan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii gadaal ka riixayay qaraarka Qaramada Midoobay, sidoo kale Israa'iil waxa ay jartay dhammaan mashaariicdii gargaarka ee ay siin jirtay dalka Senagal.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa'iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM