Jabuuti oo Saami ku yeelanaysa Shirkadaha Ganacsiga Itoobiya

Image

JABUUTI - Dowladaha Itoobiya Iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyay inay isdhaafsadaan saamiyada shirkadaha istiraatiijiga ah ee dawladda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Diyaaradaha, Dekedaha iyo Isgaarsiinta xilli dalalkaan Geeska Afrika deriska ku ah ay dadaal ugu jiraan in yeeshaan is-dhexgal dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyas Dawaleh ayaa sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in dalkiisa uu saami ku yeesho Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo ah mida ugu horeysa dhinac dhaqaalaha Qaaradda Africa.

Itoobiya ayaa dhankeeda waxay Saami ku yeelanaysaa Dekedda weyne ee Kunteenarada Doraleh, taasi oo dhawaan uu Madaxweynaha Geelle ka qaaday Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Sidoo kale, waxay labada dalka wadaagi doonaan Shirkadaha Isgaarsiinta [Ethiopian Telecommunications Corporation and Djibouti Telecom SA].

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyp Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhawaan booqashadiisii ugu horeysay oo dibadda ah ku tagey dalka Jabuuti.

Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyay inay magacaabaan Gudi ka shaqeeya hergelinya Heshiiska oo noqonaya midkii ugu ballaarnaa oo labada dal ay kala saxiixdaan, si ay u kobciyaan xiriirkooda dhaqaale.

Jabuuti oo ah dal yar oo ku yaalla halka ay ku kulmaan Badwaynta Hidiya iyo Badda Cas, waxaana uu marin muhiim ah u yahay Maraakiibka, waxaana saldhigyo military ku leh dalal ay kamid yihiin Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya, kaas oo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka ku sheegay wadanka ugu koritaanka wanaagsan dhanka dhaqaalaha ee qaarada Afrika, ayaa isku dayaya inuu kor u qaado wax soo saarka dhoofinta, taas oo ku tiirsan yihiin dalalka deriska la ah ee leh Dekadaha.

Abiy Axmed ayaa ku sheegay uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga in saraakiisha labada dal ay "hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in ay ka shaqeeyaan helitaanka isdhexgalka dhaqaale ee labada dal.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya dhawaan laga siiyay Dekedda Berbera ee maamulka Somaliland saami gaaraya 19%, kadib heshiis saddex geesood ah oo lagu saxiixay dalka Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM