Jacob Juma oo 'aqbalay' in uu is casilo

Image

Johannesburg - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo.

Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.

Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha.

Mar sii horeysay oo shalay ahayd hay'adda Nelson Mandela ayaa ugu baaqday in uu Zuma is casilo, iyada oo sheegtay in intii uu xilka hayay dalka uu ka dhacay boob culus oo hantida dadweynaha loo geystay.

Haddii uu diido go'aanka ANC ee ah in uu is casilo, waxa uu luminayaa aqlabiyadda baarlamaanka, si sahlan ayaana codka kalsoonida loogu qaadi karaa baarlamaanka dhexdiisa, sidaasna uu xilka uga dagi karaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr jeer Zuma ka keenay mooshin, balse markasta tirada badan ee xildhibaanada ANC ayuu kaga badbaadayay codkaas.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Zuma uu codsaday in damaanad laga siiyo in lagu soo oogi karin wax dacwad ah.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM