Kaaliyihii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay

Image

Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isu casilay xiriirkii uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay "in uu qiimaynayo" xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad. Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fariistay.

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan. 

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay "In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda".

Waa maxay aragtida madaxweynuhu?

Trump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida. Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa'id ee madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.

Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su'aalo ku waydiin karaan ayaan su'aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri "maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto".

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM