Kaaliyihii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay

Image
Image
Image
Image
Image

Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isu casilay xiriirkii uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay "in uu qiimaynayo" xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad. Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fariistay.

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan. 

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay "In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda".

Waa maxay aragtida madaxweynuhu?

Trump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida. Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa'id ee madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.

Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su'aalo ku waydiin karaan ayaan su'aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yiri "maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto".

BBC

Related Articles

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM

Trump oo shir jaraa'id qabanaya kaddib markii la faafiyey warar ku saabsan Caafimaadkiisa

Inkastoo uu Trump Axaddii lagu arkay ciyaar golf ah oo uu la ciyaarayay caruurtiisa woqooyiga Virginia.

  • Caalamka

    02-09-2025

  • 12:46PM