Kacdoon ka dhan ah Trump oo ka billowday Falastiin

Image

Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa isagu soo baxay wadooyinka magaalada Gaza, iyagoo ka jawaabaya go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsanayo caasimadda Israel.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ku qoran yihiin hal-kudhigyo ay ku cambaareynayaan qorshaha Trump ee uu Safaaradda Mareykanka ugu rarayo bariga magaalada Qudus iyo aqoonsiga magaalada caasimada Yuhuuda.

Hogaamiyaasha Falastiin ayaa ku baaqay in saddex maalmood oo dibadbaxyo ah la sameeyo, si ay u muujiyaan inay kasoo horjeedaan in Qudus noqoto Caasimada Israel.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo in Qudus ay tahay caaasimadda Israel, iyadoo hogaamiyaasha caalamka iyo madax kale ay kasoo horjeesteen, islamarkaana cambaareeyeen go'aankaasi.

Ururka Xamaas ee maamulka Gaza ayaa soo saaray fariin uu ku sheegay in Qudus ay tahay magaalo ay leeyihiin reer Falestiin, islamarkaana go'aanka Mareykanka uu noqonayo daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta.

Madaxda kasoo horjaysatay go'aanka Trump waxaa kamid ah Madaxweyne Erdogan oo sheegay inuu xiriirka u jari doono Israel hadii Mareykanka Safaaradiisa u wareejiyo bariga magaalada Qudus.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isagu imaanaya Kulanka deg deg ah magaalada Qaahira, kaasi oo looga arinsanayo mowqifkooda ku aadan go'aankaa Trump ee magaalada Qudus ugu aqoonsanayo Caasimadda Israel.

Israel ayaa ka qabsatay Falastiin dhul ballaaran, oo bariga Qudus kamid tahay waxaana ay dhulkaasi xoogga ku haysato ay dib u dejin ugu samaysay dadka Yuhuuda, si ay u noqdaan deegaano ay iyagu leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM