Kenya: 31 katirsan Shabaab ayaan ku dilnay Badhaadhe

Image

Kenya: 31 katirsan Shabaab ayaan ku
dilnay Badhaadhe

NAIROBI, Kenya - Militariga Kenya ayaa sheegay in 31 xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ku dileen howlgal ciidamada KDF ka fuliyeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanada Kenya, ayaa lagu sheegay in howlgal cirka iyo dhulka ah oo dhacay maalintii Axada ee lasoo dhaafay lagu bur-buriyay saldhigyo kooxdan kula hadlay degmadaas oo hoostimaada maamulka Jubbaland.

Saldhigyada la weeraray ayaa u ahaa Al shabaab kuwa Talis iyo Loojistikada, waxaana ay ku yaallaan deegaanka Sariirka oo 17KM u jira magaalada Badhaadhe.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada sirdoonka Kenya ay heleen xog la xiriirta weeraro Al shabaab ay ka abaabulayeen saldhigyadaasi.

Kenya ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawaceen dhowr dagaalyahan oo Al shabaab katirsana, sidoo kalena ay kusoo furteen 11 qoryaha AK-47, 2 PKM, 4 bambo, 634 xabo oo rasaas ah iyo qalabka kale oo military.

Diyaaradaha dagaalka Helicopters-ka ayaa ka qeyb-qaatey weerarka lagu qaadey xaruumaha Al shabaab ee degmada Badhaadhe, ee gobolka Jubbada hoose, sida lagu sheegay War saxaafadeedka Militariga Kenya.

Al shabaab wali kama aysan hadlin warka kasoo baxay Kenya ee ku aadan weerarka Badhaadhe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM