​Kenya iyo UNHCR oo arrinta qaxootiga Soomaliya kawada hadlay

Image

Dowladda Kenya, ayaa wali ku dhagan go'aankeedi ahaa inay dib u celiso qaxootiga Soomaaliyeed ku jira Xerada Dhadhaab, waxaa maanta arrintaasi kawada hadlay Madaxweynaha dalkaasi iyo ninka madaxa u ah hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay sidii loo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee xeradaasi ku jira iyadoo la dhowrayo shuruucda caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada dalka kenya oo lagu magacaabi, Manoah Esipisu, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Filippo Grandi oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ay isla garteen sidii qaxootiga loo celin lahaa iyadoo aan wax dhibaato ah loo gaysan.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Uhurru uu ka dalbaday UNHCR inay si cad u taageerto go’aanka dowladda Kenya ee ah in dalkooda dib loogu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed, maadama xaaladda dalka Soomaaliya soo hagaagayso in kastoo wali jirto halista kooxa argagixisada.

Filippo Grandi, madaxda UNHCR, ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeyn lahaayeen dib u celinta qaxootiga, balse ay mudantahay in la tixgaliyo sharciga caalmiga ah ee muhaajiriinta.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa muddo kabadan 25 sano, waxaa ku jiray qaxooti kasoo cararay colaadda Soomaliya iyo qaar kamid ah waddamada Africa, waxaana muddooyinkii u dambeeyay taagnaa olole Kenya ku doonayso inay ku xirto iyadoo u cuskatay inay halis ku noqotay amnigeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM