​Kenya iyo UNHCR oo lagu dhaliilay celinta qaxootiga Dhadhaab

Image

Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'ad u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay'adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in inta badan dadka dib u noqday ay ka baqeen in la qasbo.

Tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah ayaa dalka Soomaaliya dib ugu noqonaya kaddib markii sanado badan ay ku noolaayeen xeryaha qaxootiga oo dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay xirto.

Hay'adda u dooda xquuqda aadanaha, HRW, waxay dowladda Kenya iyo hay'adda UNHCR ku eedeysay inay ku guuldareysteen in hanaanka dib u celinta ay waafajiyeen xeerka caalamiga ah.

Agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga ee hay'ada Huamn Rights Watch, Bill Frelick, waxa uu sheegayaa in maamulka Kenya aysan dadka dhiban siinin fursad ay ku kala xushaan inay noqdaan ama iska joogaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay'adda qaxootiga ee UNHCR aysan dadka siin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay horey uga wada hadleen in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Sikastaba, maamulka Jubaland ayaa dhowaantan waxa ay diideen in qaxootiga loo gudbiyo dhanka Soomaaliya, waxayna sheegayaan inaan la siinin taageerada bini'aadamnimo ee ay u baahan yihiin.

Go'aankaasi wuxuu dhaliyay in dad badan oo noqon lahaa ay ku xayiran yihiin xuduudda

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM