​Kenya: Nin katirsan Al Shabaab oo dilay lix askari

Image

Ugu yaraan lix askari oo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Alshabaab ka gaysatay waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.

Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria.

Waa weerarkii koobaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka.

Ninka laga shakisanyahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Amin habeen ah ayay u suurtagashay in uu qori ka xoogo askari booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka.

Booliisku waxay sheegeen in uu galay meesha saree ee waardigu fariisto uuna halkaas xabbado badan ka soo riday askar kalana laayay.

Wararkii u dambeeyay ee laga helayo goobtaasi waxay sheegayaan in la dilay hadda qofkii dhibkaasi gaystay.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM