Kenya oo fashilisay weerar Al-Shabaab [Fahfaahin]

Image

GARISSA, Kenya - Saraakiish amniga Kenya ayaa sheegay inay kahor tageen weerar Al-Shabaab ay kusoo qaadey saldhig boolis, oo ku yaalla magaalada Liboi oo ku taalla gobolka Waqooyi bari.

Taliyaha booliska magaalada Garissa Joshua Chepchieng ayaa sheegay in ku dhawaad 20 dagaalyahan oo la rumeysan yahay inay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya ay isku dayeen inay weeraraan saldhiga booliska ee degaanka Camey, balse laga hortagey.

Chepchieng ayaa intaasi ku daray in ciidamada ay ku jireen feejignaan, islamarkaana ay fashiliyeen weerarka gaadmada oo dhacay waaberigii hore, ee shalay oo Talaado ahayd.

“Waxaan helnay xog ku saabsan inay Al-Shabaab qorsheynayso weerar ka dhan ah saldhiga booliska iyo goobo kale oo ku yaalla xuduuda, kadibna aan u diyaar garownay,” ayuu yiri Joshua Chepchieng.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Kenya, ayaa beeniyay warar sheegaya in qaar kamid ah saraakisha booliska ay ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray Ciidamada iyo Al Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in dhamaan Askarta la tira-koobey weerarka kadibna, islamarkaana aysan jirin Saraakiil la la’yahay ama wax-yeello kasoo gaartey weerarka degaanka Camey.

“Waxaan rabaa inaan sheego in aysan jirin wax hub ah ama gaari oo dagaalyahanada Al-Shabaab ka qaateen saldhigga markii uu weerarka dhacay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Chepchieng.

Mas’uul kale oo katirsan dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in xoogaga Al-Shabaab ay burburiyeen xarun shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ay ku leedahay degaanka Camey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan jarta adeegga Isgaarsiinta xilliga ay weerar ku qaadeyso degaan kamid ah gobolka waqooyi bari, kaasoo amni darro hareysay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM