​Kenya oo waqti ku dartay xiridda xerada Qaxootiga Dhadhdaab

Image

NAIROBI, Kenya- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay hakinayso d damaca lagu xirayo xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaale iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.

Hadalka kasoo  baxay Wasiirka dalkaas  u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery, ayaa lagu sheegay in tallaabadii hore ee celinta qaxootiga waxba iska badalin, balse mudadaas loogu talo galay in xaaladda hadda lagu jiro wax looga badalo, isagoo intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn - Dhadhaab - ay sii socon doonto.

Nkaissery, ayaa sidoo kale beniyey eedeymo sheegaya in xukuumaddu Kenya ku khasbayso qaxootiga inay dib ugu laabataan dalkooda, isagoo  ku tilmaamay hadaladaas oo ka soo baxay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda inay yihiin 'dacaayad siyaasadeed'.

Xukuumadda Kenya waxay hore ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha Dhadhaab wixii loo gaaro dhamaadka November ee sannadkan 2016.

Balse, maalin ka hor hay'adda Amnisty ayaa dowladda Kenya ku eedaysay inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, walow xaaladaha Somalia tahay mid halisteeda wadata.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM