Kenya: ‘Way naga go’an tahay inaan xirno Dhadhaab’

Image

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Janaraal, Joseph Nkaissery, ayaa ku celiyay in dowladdu ay sii wadi doonto tallaabada ay ku xirayso xerada qaxooti ee ugu ballaaran caalamka ee Dhadhaab.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xeryaha ku yaal waqooyi bari Kenya ay isku qariyaan maleeshiyaadka Al-shabaab ayna ka sameystaan ganacsiyo sharci darra ah. 

Wasiirku waxa uu sidoo kale ku eedeeyay bulshada caalamku in ay ku guuldaraysteen inay kaalmo dhaqaale bixiyaan iyo in ay ballanqaadyadooda oofiyaan. 

Dowladda Kenya ayaa 10 milyan oo doolar u qorshaysay hannaanka dib u celinta qaxootiga kaasi oo bilowday Nofeembartii la soo dhaafay. 

Waxaa horay u jiray heshiis saddex geesood ah oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. 

Heshiiska ayaa dhigaya in aanan cidna xoog dib loogu celin karin Soomaaliya. 

Tan iyo markaana ilaa iyo 10 kun oo qaxooti ah ayaa iskood dalka ugu laabtay halka 50 kun oo qof oo kale la qorshaynayay in sanadkan ay laabtaan.

Xigasho: BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM