Khasaaraha Dhulgariirka ku dhuftay dalka Mexico oo korartay

Image

MEXICO CITY - In ka badan 200 oo qof ayaa la xaqiijiyay inay kuu dhinteen dhulgariir xooggan, oo xalay ku dhuftay Caasimadda dalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda America ee Mexico.

Dgulgariirka oo cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.1 Magnitude, ayaa gilgilay magaalada Mexico City, waxaana uu burburiyay Dhismooyin dhaadheer, oo gaaraya 44, iyadoo sidoo kale uu dillaaciyay dhuumo shidaalka qaada.

Waxaa sidoo kordhayay tan iyo xalay khasaaraha dhimashada, oo saacadaihii ugu dambeeyay ay gaartey 200 oo ruux, ay kamid yihiin 20 caruur ah. Waxaa socda howlgallo lagu baadiyo goobaya dad la la'yahay.

Dowladda Mexico ayaa sheegtay in Ciidamada iyo Kooxaha Gurmadka ay wadaan gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen, oo burburka hoostiisa wali ku jira, kuwaasi oo qaarkood ay dhinteen.

Malaayiin qof ayaa waayay korontada iyo biyaha, taasi oo ka dhalatay dhul-gariirka.

Dhismayaasha ku burburay dhul-gariirka waxaa ku jira dabaqyo dhaadheer, Dugsiyo, warshado iyo goobaha laga dukaamaysto, oo ku yaalla bartamaha magaalada Mexico city.

Bishan September 7-deedii, Dhulgariir kale oo xooggan ayaa ka dhacay Koonfurta dalkaasi Mexico kaasi oo ay ku dhinteen 98 qof, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM