​Koox lagu tuhmayo Al Shabaab oo dad ku dishay Lamu

Image

HINDI, Lamu- Wararka laga helayo deegaanka lagu magacaabo Hidni oo katirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in mintidiin loo malaynayo inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab ay ku dileen goobtaasi dad shacab ah.

Wararka ayaa xusay in weerarkaasi lagu dilay Afar qof, taasoo keentay inay kacdoon ka sameeyay dadka ku nool Hindi.

Shacabka ayaa ka mudaharaadaya sida ay uga jawaabeen kiiskaasi laamaha amniga ee dalka Kenya.

Booliiska ayaa ku waramay in weerarku uu ka dhacay halka loo yaqaano Lamu-Garsen highway.

Afar qof oo kale ayaa qaba dhaawac xooggan oo kasoo gaaray xabado lagu furay.

Arrintan ayaa daba socotay kiis kale oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn deegaanka, kaasoo lagu dilay saddex qof kadib markii kooxda Al Shabaab weerar ku qaaday dad ku safryay Bas oo marayay halka lagu magacaabo Nyongoro.

Gobolkan ayaa u muuqda mid ay ku siyaadayaan weerarada ay qaadayaan kooxaha xiriirka la leh Al Shabaab, waxaana asbuucan kaliya lagu dilay 20 qof.

Howl gallo aan miro dhalin ayaa ka socda Lamu kasoo ay wadaan ciidamada Booliiska dalka Kenya.

Gobolkan oo xeebta ku yaalla ayaa kamid ahaa ilaha dhaqaalah waddanka Kenya kasoo ay u dalxiis tagi jireen ajaanibka iyo dadka u dhashay dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM