Koronto la'aan soo wajahday shacabka dalka Itoobiya

Image

ADDID ABABA - Koronto la'aan baahsan ayaa saameysay guud ahaan waddanka Itoobiya kaddib markii ay xalay cilad farsamo ku timid mid ka mid ah biyo-xireennada korontada laga dhaliyo ee dalkaasi.

Koronto la'aantan ayaa bilaabatay xalay kaddib markii uu karkaarada goostay mid ka mid ah kanaallada biyo-xidheenka Gibe III oo ku yaalla Koofurta dalka Itoobiya.

Warbaahinta qaranka dalkaasi ayaa sheegeytay in injineerrada shirkadda korontada Itoobiya ay xalliyeen cilladdii.

Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah meelaha ka baxsan caasimadda ayaysan wali u soo noqonin korontadii.

Biyo-xireenka oo laga dhaliyo 1,800 Megawatts oo quwadda korontada ah, ayaa ahmiyad u leh Itoobiya.

Koronto la'aanta dalkaasi ayaa ah mid soo laalaabata, inkastoo Itoobiya ay maalgashi wayn ku hayso biyo-xireennada quwadda korontada laga dhaliyo.

Waxay haatan webiga Nile ka dhiseysaa hannaanka quwadda korontada oo noqon doona kan Afrika ugu weyn.

Mashruucaas oo ay ku baxayso $4bn, ayaa waxaa ka soo horjeedsaday Masar oo sheegeysa in biyo-xireenkani uu saameynayo biyaha dalkeeda.

Wada-hadallo lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dib u dhacay.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM