Kulankii dhexmari lahaa Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi oo qabsoomaya

Image

USA- Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa baxshey calaamad ah in shirkii dhexmari mari lahaa Hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya Kim Jong Un uu dhacayo 12 June inkastoo asbuucii hore la sheegey inuusan qabsoomeyn.

War ay soo saartey wakaalada wararka dalka Woqooyiga Kuuriya KCNA ayaa lagu sheegey in hogaamiyaha dalkaas ka sharqamiyey in kulankii uu la qaadan lahaa Madaxwynaha dalka Mareykanka sidii loo qorsheyeey u dhici doono.

”Waan wanaagsan yahay sida diyaar garowgu ku socdo hadii la eego kulanka aan la qaadan doono woqooyiga Kuuriya.” Sidaas waxaa yiri Donald Trump. “Waan rajeyneynaa inuu kulankaan qabsoomo June 12 Singapore aan aragno sida uu u dhaco.” 

Trump waraaq uu u qorey Madaxwynaha Kuuriyada Woqooyi maalmo ka hor ayuu ku baajiyey in kulankaan ka dhaco Singapore June 12, 2018.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa Axadii sheegey in dhigiisa Woqooyiga Kuuriya u balan qaadey burburinta hubka Nukliyeerka. 

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM