Kuuriyada Koonfureed oo wafdi u diraysa Pyongyang

Image

Seoul - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorsheynaya in laba sarkaal oo sarsare uu u diro dalka deriska ah ee Kuuriyada Woqooyi si loo sii xoojiyo debacsanaanta diblomaasiyadeed ee tan iyo billowgii ciyaarihii xilliyada qaboobaha ee ka furmay Kuuriyada Koonfureed.

Wafdiga Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa hoggaamin doono madaxa sirdoonka iyo dhiggiisa amniga qaranka.

Sida uu sheegay kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweyne Moon Jae-in, ergadani ayaa booqashada Pyongyang kaddib waxay aadi doonaan Mareykanka, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dedaallada xukuumadda Seoul ay ku dooneyso in ay isugu soo dhaweyso Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la yeelato Mareykanka balse waxa ay cambaareysay dhoolatuska milatari ee sida wada jirka ahi ay u sameyn doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labadan dowladood ayaa u dhaxaysa colaad mudo dheer soo jiitamaysay taasi oo salka ku haysa muran dhanka Xuduuda ah, iyadoo Mareykanka uu sii hurinayo colaadda labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM