Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal dul maray Japan

Image

Xilli ay aad kacsantahay xiisadda ka dhextaagan waddamada Kuuriyada Waqooyi iyo Marayka ayaa mar kale xukuumadda Peon-yang ay tijaabisay Gantaal dul maray dalka Japan, kasoo ku dhacay badda.

Arrintaas waxaa aad uga carootay xukuumadda Japan oo dalbatay in kulan deg deg ah falkaas ay ka yeeshaan golaha ammaanka.

Saaka oo Salaaso ah ayaa xukuumadda Kuuriyada Waqooyi waxay ayaa abaare 06 aroornimo cirka u gantay Gantaal kamid ah kuwa ridada dhexe ee lagu magacaabo Hwasong-12 kaasoo dul maray waddanka ay jaarka yihiin ee Japan.

Gantaalkan ayaa dulmaray jasiirada Hokkaido ee Waqooyiga Japan, kasoo kusoo dhacay badda jasiiradaasi oo 2,700km u jirta goobtii lagasoo tuuray.

Ra'isal wasaaraha Japan ayaa warbaahinta u sheegay in arrintaas ay tahay wax laga xumaado iyo khatar weyn oo dunida kusoo biirtay isagoo dalbaday in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

“Arriintan waxay ka marakacaysa sida Kuuriyada Waqooyi ugu dhiirantahay inay tijaabiso gantaaladeeda, balse waxay khatar ku tahay amniga iyo xasiloonida gobolka," Ayuu yiri Mr.Abe oo shir jaraa’id qabtay.

Sidoo kale xukuumadda Japan ayaa u digtay dadkeeda ku nool gobollada Waqooyi inkastoo ay sheegeen in ilaa hadda aysan muuqan astaan muujinaysa cabsi iyo wel wel.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM