Laacib hore oo loo doortay Madaxweynaha dalka Liberia

Image

Gudiga doorashooyinka dalka Liberia ayaa ku dhawaaqay in George Weah uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka galbeedka qaaradda Africa ku yaalla ee Liberia.

George Weah oo loo doortay madaxweynihii 25-aad ee dalka Liberia ayaa hardan culus la soo galay musharaxa Joseph Boakai oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeen kasoo noqday dalkaasi.

Weah ayaa ku guuleystay codadka 12 gobol oo kamid ah 15-ka gobolka ee dalkaasi, iyadoo Joseph Boakai uu helay codadka labo gobol, sida Gudiga Doorashada uu shaaciyay.

Intii ay socotay ololaha doorashooyinka dalkaasi Weah ayaa soo bandhigay waxyaabo fara badan uu ka shaqeyn doono marka uu la wareego xafiiska ugu danbeyntiina galinkii hore ee Arbacada ayaa lagu dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha cusub ee Liberia.

Waxa uu xilka kala wareegayaa Ellen Johnson Sirleaf oo Liberia Madaxweyne kasoo ahayd tan iyo 2005-tii. Ellen Johnson Sirleaf oo haysata abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa lagu amaaney in wax ka qabatay nabadda iyo dhaqaalaha Liberia. 

Kadib ku dhawaaqista guusha Weah, kumanaan qof oo ku faraxsan madaxweynaha cusub ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Monrovia ee caasimada Liberia.

Weah ayaa dhanka weerarka uga soo ciyaaray AC Milan, Man City iyoo Chelsea.

Weah oo cod aqlabiyad ugu guuleystay doorashada madaxtinimo ee Liberia ayaa noqday sanadkii 1995 xidigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qaarada Africa oo ku guuleysta abaal marinta xidiga ugu wanaagsan aduunka ee Ballon Di’or.

Weah ayaa taariikh ku leh kubada cagta isagoo soo matalay kooxaha AC Milan, Paris Saint Germain iyo Monaco laakiin Weah ayaa hadaah madaxweynaha la doortay ee dalka Liberia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM