​Lix ruux oo lagu dilay masaajid ku yaala Canada

Image

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay siddeed kale ayaana ku dhaawacantay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xireen labo ruux waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in uusan jirin qof kale oo weerarkaas xirirr la lahaa oo baxsad ku maqan.

Booliisku waxay sheegeen in goobtaasi ay ammaantay oo xaaladdu dagan tahay, ayna masaajidka ka soo daad gureeyeen dad badan oo badqaba.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aysan jirin faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay ayna baaritaannadu hadda uun billawdeen.

Mar sii horaysayna ra'iisalwasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid "argagixiso".

Wuxuu intaas ku daray in uu aad uga naxay, ugana carooday markii uu maqlay weerarkaas.

Qof goobjooge ah mar sii horaysay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen booliis hubaysan oo aad u yaqaana xeeladaysiga.

Dilkaas ayaa ka dhacay masaajidkan oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

BBC

Related Articles

Trump oo Khalad ku tilmaamay Xogta Agaasimaha Sirdoonka ka heshay Nukliyeerka Iran

Waa markii labaad toddobaadkan uu madaxweynuhu si cad u diido qiimeynta madaxa sirdoonka ee isagu uu magacaabay.

  • Caalamka

    20-06-2025

  • 09:27PM

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM