Ma ku deeqi lahayd Maskaxdaada si Cilmi-baaris loogu sameeyo?

Image

UK - Dadka waayeelka ah ee ku nool gobolka Wales ee dalka UK ayaa loogu baaqay in ay ka fikiraan in marka ay dhintaan ay ku deeqaan maskaxdooda si cilmibaarista Sayniska ay gacan uga gaysato.

Cilmibaarayaasha Jaamacadda Cardiff ayaan hadda billaabin qoridda dadka balse waxa ay doonayaan in ay ogaadaan waxa ay arrintan ka qabaan dadka ay da'dooda ka sareyso 85 ee aan cuduro laga helin.

Ken Baxter, oo 75 jir ah, ayaa sheegay: "Marka ay ii dhamaato oo aan dhinto wax faai'do ah iima laha" oo uu ula jeedo maskaxda.

Tan iyo 2009, 460 qof oo ku nool gobolka Wales ayaa isu diiwaangaliyay ku deeqida maskaxda , balse 79 qof ayaa ilaa iyo imika ku guulaystay in ay maskaxdooda ugu deeqaan mashruuca cilmibaaridda ee Dementia.

Sida aad ugu deeqi karto maskaxdaada

Warqadda dardaaranka qofka markuu dhinto ayaa waxaa la soo uruuriyaa 72 saacadood ka dib marka uu qofka dhinto, waxaana dardaarankaa la aqriyaa isbuucyo ka dib dhimashada, taasi oo tabarucaada ka dhigaysaa mid adag.

Waa in aad qoyskaada u sheegtaa qorshahaga si ay u ogaadaan waxa ay tahay in la sameeyo marka aad dhimato.

Dadka go'aansaday in maskaxdooda ay ku deeqan waxaa ka mid ah Mr Baxter ka dib markii uu ogaaday muhimadda ay arrintani leedahay.

Waxa uu u arkay qaab lagu caawin karo dadka kale , balse waxa uu sheegay in fal celin wanaagsan uusan kala kumin qorshihiisa.

Waxa uu yiri: "'[dadku waxa ay dhahaan] ma hubtaa?.
Mr Baxter ayaa intaa ku daray in dadka qaar marka uu u sheego ay naxdin ka muujiyaan islamarkaana uusan aqoon sababta ay dadka arrintan xummaan ugu arkaan.

"Maskaxdeyda marka aan dhinto, wax faa'ido ah iima laha," ayuu yiri.
Xaaska Mr Baxter , Kate ayaa fikiro kala duwan ka aaminsan ku deeqidda Maskaxda balse taageersan go'aanka seygeeda.

"Waxaa laga yaabaa in ay ka yaabiso (Ken)haddii aan iraahdo meesha kama saarayo in aanan samayn waxa uu sameeyay wax la mid ah" ayay tiri.

Rachel Marshall,oo ah cilimibaare ka tirsan machadka Dementia ayaa sheegtay in Saynisyahanada ay xaqiiqsadeen in ay arrintan tahay fikir aan dad badan soo jiidan , balse ay tahay aalad muhim ah oo cilmibaarida gacan ka gaysanaysa.

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub: Xaaladda Bani’aadanimo ee Gaza Waa Mid “Aan La Aqbali Karin”

UK iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in la sii daayo dhammaan dadka la haysto.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:00AM

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM