Ma wiilkan yar ayaa ugu orod badan caruurta caalamka?

Image

Rudolph 'Blaze' Ingram waa wiil yar oo ku orda ciyaaraha 100-ka mitir 13.48 ilbiriqsi!.

Wiilkaan yar ayaa ku rajo weyn in maalin uun uu jebiyo rikoorka caalamiga ah ee 9.58, kaasi oo uu heesto orodyahanka Usain Bolt'.

Rudolph oo ah aabaha wiilkan oo ka sheekeynaya taariikhda ciyaaraha Olimbigga ee Blaze ayaa sheegay in wiilkiisa xilli uu jiray 3 sanno ay in habeen daawadeen ciyaaraha olimbigga, kaddibna wiilka yar uu soo toosay subixii isagoo ku qeyla dhaaminaya 'xariijinta istaag, diyaargarow, orod' sidaasi darteedna uu qolka kasoo baxay isagoo si xowli ah u ordaya.

Aabe Rudolph, waxuu sidoo kale sheegay in laga bilaabo maalinkaas uu dareemay in wiilkiisu si weyn u xiiseeyo orodka, waxuuna noqday mid ka mid ah carruurta ugu orodka badan deegaankooda.

'' Aa dayuu u orod badan yahay. Waxuu ku ordaa masaafo dheer marka uu ordayo. Lugahana si fudud ayuu dhulka uga qaadaa uguna celiya. Marka haddii isagoo soconaya aad ka hor timaado halis ayaad la kulmi kartaa''. Ayuu yiri Rudolph.

Sanadkii lasoo dhaafay, wiilkan ayaa ka qeybgalay tartan orod ah, wuxuuna ordayay 14.59 ilbiriqsi, markale ayuu ku laabtay ciyaartii orodka waana ku orday daqiiqado yar, oo gaartay 13.48 ilbiriqsi.

Rudolph, waxuu intaasi ku daray in wiilkiisa uu deddaal badan bixinayo, inta badanna uu sameeyo orod isaga u gaar ah . ''Dhab ahaantii waxuu ogsoon yahay in naftiisa uu tartan kula jiro, marka xilli kasta kaligiis ayaa tartama'' ayuu yiri intaasi sii raaciyay.

Dhanka kale, wiilkan yar ee Blaze ayaa si weyn u taageero kooxda kubadda kolleyga ee Mareykanka.

Aabihiisa Rudolph ayaa sheegaya inuu marwalba weydiiyo wiilkiisa inuu jecel yahay inuu ciyaaraha Olimbigga ordo ama inuu dheelo kubada kolleyga?

''Waan jeclahay inaa cayaaro labadaba''. ''Waan jeclahay orodka iyo kubadda kolleyga''. Ayuu yiri Blaze.

Sikastaba ha ahaateen, aabaha dhalay wiilkan yar oo ku faraxsan xirfada wiilkiisa ayaa sheegaya inay u muuqato mustaqabal wanaagsan uu ka gaari doono wiilkiisa ciyaaraha orodka.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM