Madaxda IGAD oo ka shiraya xal u helidda qaxootiga Soomaalida

Image

Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayaan sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida. 

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 

1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay'adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.  

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u heli doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. 

Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Qabashadan kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Mas'uul u hadlay urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo cadaadiska dalalka deriska ah ka haysto martigelinta qaxootiga ayaa dhiirageliyay dardargelinta dadaallada xal kama dambeys ah loogu raadinayo qaxootiga Soomaalida.

Kenya ayaa sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dhadhaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan, waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya. 

Balse su'aasha la isweydiinayo ayaa ah qaxootiga dib ma loogu celin karaa Soomaaliya xilligan oo dalka ay ka jiraan abaaro xooggan iyadii sidoo kalana laga cabsi qabo in ay dhacdo macaluul.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM