Madaxda Kurdiyiinta oo shacabka Afrin ugu baaqay in ay Turkiga la dagaalamaan

Image

Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ee gacanta ku haya magaalada Afrin ee Suuriya ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Turkiga.

Maamulka magaaladaasi ayaa waxay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan abaabul guud.

Ciidamada Turkiga ayaa maalinkii afraad wada duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta ku sugan magaalada Afrin ee wuqooyiga Suuriya ku taalla.

Turkiga ayaa bartilmaameedsanay saldhigyo ay leeyihiin kooxda Kurdiyiinta ee YPG.

Militariga Turkiga ayaa sheegay in ay ilaa 8 kiilo mitir dhanka wuqooyi u jiraan magaalada Afrin.

Dhanka kale Turkiga ayaa Mareykanka ku baraarujiyay in uu joojiyo taageerida uu siiyo Kurdiyiinta YPG ee Suuriya. Wuxuuna sare u sii qaaday duullaanka uu ku hayo malleeshiyada oo ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda YPG ay hubka Mareykanka ay ka hesho u adeegsato ciidammada gobolka Cafrin nadiifinaya.

Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.

Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM