​Madaxtinimada Trump oo la baarayo

Image

Baarayaasha eedeymaaha loo jeediyay Ruushka ee ku saabsanaa inuu ku lug lahaa doorashadii Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay baadi-goob ugu jiraan faylasha Aqalka Cad ee inta uu madaxweyne Donald Trump talada hayo.

Dokumentiyadii uu Trump shaqada uga eryay agaasimihii waaxda sirdoonka ee FBI iyo kulankii uu wiilkiisa la qaatay qareen Ruushka u dhashay ayay bartilmaameedsanayaan baarayaashu.

Waxay sheegayaan in madaxa guddiga gaarka ah ee loo saaray baaritaanka, Robert Mueller, uu Aqalka Cad u gudbiyay 13 meelood oo uu u rabo baaritaankiisa.

Madaxweyne Trump ayaa beeniyay in dadkii kala shaqeynayay ololihiisa ay xiriir la yeesheen aqalka Kremlin.

Sida ay Arbacadii qoreen wargeysyada New York Times iyo Washington Post , Mueller ayaa sidoo kale xiiseynaya faylasha uu Trump bishii Febraayo shaqada uga tiray Michael Flynn, oo ahaa la talihiisii dhanka ammaanka ee ugu horreeyay.

Mueller ayaa intaa ku daray inuu u kuur-galayo kulankii uu Trump ugu sheegay saraakiil Ruush ah in shaqo ka tiriddii madaxii FBI James Comey bishii May ay ka qaadday cadaadis badan oo saarnaa.

Madaxa guddiga ayaa la sheegay inuu sidoo kale codsaday dokumentiyada ku saabsan jawaabtii uu Aqalka Cad ka bixiyay su`aalihii ku aaddaanaa kulankii bishii June sanadkii hore uu Donald Trump Jr kula yeeshay qareen Ruush ah aqalka Trump Tower.

Curadka Trump ayaa lagu qanciyay in kulanka uu ka heli doono warbixin waxyeello u geysan karta musharraxii madaxtinnimada Dimuqraadigaa, Hillary Clinton ee aabbihiis tartanka kula jirtay.

Ty Cobb, oo ah qareenka Trump, ayaa xafiiska Mueller u sheegay inuu soo gudbin doono dhowr dokumenti toddobaadkan dhexdiisa.

Mueller ayaa sidoo kale codsaday email-lada ama dokumentiyada Aqalka Cad ee la xiriira Paul Manafort, oo ah madaxii hore ololihii Trump.

Mr Manafort ayaa isaga baxay ololaha kahor doorashada sababo la xiriira su`aalo laga weydiiyay xisbiga siyaasadda Ukraine oo uu la shaqeynayay, kaas oo lala xiriiriyay dowladda Ruushka.

Shaqaalaha FBI ayaa galay guriga Manafort oo ku yaalla magaalada Washington DC bishii July.

Dhowr guddi oo ka tirsan congress-ka iyo Waaxda Caddaaladda ayaa u kuur-galaya natiijada baaritaanka sirdoonka ee la xiriira in burcad Ruushku taageerayo ay isku dayeen in doorashadii November ay farageliyaan iyagoo u daneynayay madaxweyne Trump.

Aqalka Kremlin ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymahaasu.

GO + BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM