Madaxweynaha France oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha cusub ee dalkan Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta xafiiska kala wareegay Madaxweynihii hore François Hollande, kadib markuu uu ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas.

Macron, oo 39 Jir ah ayaa noqday Madaxweynaha ugu da'da yar dalka Faransiiska, wuxuuna balan-qaadey inuu soo magacaabi doono Isniinta berri ah Ra'iisal wasaare.

Ra'iisal wasaaraha la magacaabayo ayaa isna laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dhaqaale, kala qeybsanaanta iyo shaqo la'aanta.

Macron ayaa xilka kula wareegay xaflad ka dhacday Madaxtooyada Elysée ee magaalada Paris, iyadoo ciidamada Booliska ay amaanka magaaladaasi si aad ah u adkeeyeen.

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska François Hollande oo 5 sano xafiiska joogay, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Emmanuel Macron kahor xil-wareejinta, wuxuuna ku wareejiyay Baasuweerada Hubka Nuclear-ka dalkaasi.

Emmanuel Macron ayaa la filayaa in todobaadka ugu horeeya ee uu Xafiiska joogo inuu booqasho ku tago dalka Jarmalka, oo uu kula kulmi doono Ra'iisal wasaare Angela Merkel.

Angela Merkel iyo Macron waxay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo dhibaatooyinka haysta Ururka Midowga Yurub iyo kala qeyb-sanaanta ka dhexjirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM