​Madaxweynaha Gambia oo xilka wareejinaya

Image

Wararka ka imaanaya dalka Gambia ayaa sheegaya in Madaxweynaha looga adkaaday doorashadii dhacayda dabayaaqadii 2016 uu xilka ka dagi doono waqti aan la cayimid kadib cadaadis uga yimid Waddamada Galbeed Africa.

Yaxye Jammeh, ayaa talefishinka dalkaas ka sheegay inuu xilka ku wareejin doono Madaxweynaha Shacabku doorteen ee Adama Barrow.

Horay ayuu u diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii December, wuxuuna ku tilmaamay mid u qabsoontay qaab musuq-maasuq ah.

Dhex-dhexaadiyaal kasocda dalalka Galbeedka Qaarada Afrika ay sacadihii la soo dhaafay la kulmayay Mr Yaxye Jammeh, iyadoo la rumaysanyahay in tanaasulkiisu yimid hishiis ay labada dhinac wada gaareen.

Inkastoo marka uu ka hadlay Telefishinka uusan faah faahin ka bixin kulamadaas hadana waxaa la aaminsanyahay inay ku qanciyeen tanaasul inuu sameeyo maadama dalkaas uu maamulayay in kabadan 22 sano.

Jammeh, ayaa xusay inuusan doonayn dhibic kamid ah dhiigga reer Gambia inuu ku daado dhulkooda.

Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.

Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow, kaasoo isku caleemo saaray safaaradda dalkaasi ku leeyahay Senegal.

Badi shacabkii ku noolaa caasumadda, ayaa u qaxay dalalka dariska la ah Gambia iyagoo ka cabsi qaba dagaal waddankaasi ka qarxa, waxaana arrintan rajo weyn galisay shacab badan oo doonayay inay faarujiyaan xarumahooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirkadda Aramco oo la weeraray iyo Qiimaha Saliidda Caalamka oo kor u kacay 13%

Waxaa sidoo kale la soo sheegay qaraxyo ka dhacay jasiiradda Kharg, halkaas oo laga farsameeyo 90% saliidda ay Iiraan dhoofiso.

  • Caalamka

    02-03-2026

  • 12:23PM

Trump iyo Wejiga Cusub ee Dagaalka Bariga Dhexe: Khasaaraha iyo Halista Maraykanka

Ballaarashada Goobaha Dagaalka: Sida aad xustay, dagaalku kuma koobna oo kaliya Iran iyo Israa'iil.

  • Caalamka

    02-03-2026

  • 09:22AM