Trump oo ka hadlay Askari looga Dilay Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa si adag uga hadlay Dil Shalay loogu gaystay gudaha Somalia, Askari katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Maraykanka.

Donald Trump, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay geerida Askarigaas oo uu sheegay inuu gudanayay waajibaad qaran, iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Wuxuu Tacsi u diray ehelka Askarigaas katirsan ciidamada Gaarka ah ee xukuumadda Washington, isagoo xusay inay taas dhabar jab ku noqon karin weerarada ka dhanka ah Argagixisada.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu wacad ku maray inuu sii ballarin doono howlgalka dhinaca cirka ah ee lagu qaadayo ururka Al Shabaab.

Waa Askarigii ugu horeeyay ee lagu dilo gudaha Somalia tan iyo 1994-tii, markaasoo Maraykanka Muqdishu looga dilay 18 askari.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in askarigaas u dhintay, xilli la talin iyo caawimaad uu siinayay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.

Tallaabadan ayaa timid xilli Bil kahor ciidamado dheeraad ah Maraykanku usoo diray Somalia, si ay u taageeraan howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM