Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Dhawaaqey In Somalia Tahay Goob Dagaal

Image

WASHINGTON- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dabciyey sharciyada ciidamada ee hor-istaagaya in waxyeelo soo gaadho shacabka Somalida kuwaasoo wadada loogu xaarayo in dulaano xoogan lagu qaado kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaan ku yaala Geeska Africa.

Go'aankaan oo laga soo xigtey saraakiil si hoose uga warqabta ayaa sheegaya in ciidamada dalka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Jabuuti (Africom) loo fasaxey iney qaadi karaan weeraro culus iyo kuwo dhinaca dhulka ah kuwasoo lala beegsan doono kooxda xiriirka la leh Al-Qaida Al shabaab. Talaabadaan ayaa kor u qaadi doonta in ciidamada Mareykanka si aan ula kac aheyn ugu dilaan weeraradaan dad shacab ah.

Donald Trump oo wareegtadaan saxiixey Arbacadii la soo dhaafey March 29,2017 ayaa ciidamada Mareykanka siineysa 180 casho in howlgaladaan ku fuliyaan iyadoo ka dhigeysa qaybo kamid ah dalka Somalia Goob dagaal (War Zone).

Wargeyska New York Times ayaa sheegey in taliyaha ciidamada Africa Command ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti Gen. Thomas D. Waldhauser, Jimcihii lasoo dhaafey warsaxafaded ku sheegey in March 12, 2017 wasaarada difaaca Mareykanka codsigaan u gudbisay aqalka Cad ee lagu arimiyo dalka Mareykanka.

"Waxay noo tahay muhiim iyo fursad in aan helo amarkaan taasoo noo saamaxeysa in howlgaladu noqdaan kuwo deg deg ah islamarkaana aan ku dabagalno cidaan rabno iyadoo aan laga fakarin arimo kale " ayuu yiri Gen. Thomas.

Warsaxafadeed wasaarada difaaca dalka Mareykanka bixisay waxyar kadib maqaalkii wargeyska New Yor Times ka daabacdey arimataan ayaa afhayeen u hadlay Pentagon Capt. Jeff Davis waxaa uu sheegey in codsi ay u gudbiyeen Madaxweynaha dalka Mareykanka la aqbaley kaasoo fasaxaya in si balaaran looga takhaluso Al shabaab ka howlgasha dalka Somalia iyadoo howlgaladaan qayb ka yihiin ciidamada ku  Amisom.

Talaabadaan ayaa meesha ka saareysa shuruucdii uu horey ugu soo rogey Madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Obama weerarada noocaan ah kuwasoo mari jirey talabooyin adag ee lagu hubinayo in waxyeelo aysan kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku nool goobaha weeraradaan lala beegsanayo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo tan iyo intii uu la wareegey xafiiska soo saarey wareegtooyin wax looga badalayo sharciyada qaxootiyada, cimilada, caafimaadka iyo dhaqaalaha ayaa awoodaha uu siiyey ciidamada Mareykanka waxaa la filayaa iney soo kordhiso khasaaro soo gaara dadka shacabka ee ku nool degaanada sida buuxda uga howlgalaan kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Somalia.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM