​Madaxweynaha Mexico iyo Trump oo kulmay [Sawirro+Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa kulan saacad qaatay la yeeshay murashaxa madaxweynaha xibiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump iyagoo kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda labada dal iyo sidii iskaashi looga samayn lahaa dhinacyada ammaanka iyo la dagaallanka maandooriyaha.

Kulankan mudada socday ayaan sidoo kale looga hadlin cidda bixineysa kharashka derbiga uu Trump ololihiisa ku ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta labada dal ay wadaagaan.

Shir jaaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen labada mas'uul waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico iyagoo ballanqaaday inay  ka shaqayn doonaan sidii loo wanaajin lahaa.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa codsaday in laga shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa daroogada iyo hubka waddankiisa kasoo gala dhinaca USA isagoo xusay inuu diyaar layahay wax kasto oo aan arrintaasi lagu joojin karo.

Murashax Jamhuuriga ayaa dhinaciisa xusay inuu xoogga saari doono sidii isbadal loogu samayn lahaa qaab dhismeedka dalka Maraykanka.

Mr Trump, oo horay u sheegay in muhaajiriinta Mexico ay yihiin kuwo daroogada ka ganacsada, isla markaana dumarka kufsada, ayaa markan ammaanay dadka Mexico, oo uu ku tilmaamay kuwo dadaal badan.

Kulanka labada dhinac ayaa laga yaabaa inay wax kabadalaan siyaasadda Trump ee dhinaca muhaajiriinta Mexico.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM