Madaxweynaha Nigeria oo ka hadlay xaaladiisa Caafimaad

Image

Madaxweynaha waddanka Nigeria ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad, kadib bayaan uu soo saaray isagoo ku sugan waddanka Ingiriiska, kaasoo uu ku faah faahshay waxa is badalay caafimaad ahaan, maadama uu waqti dheer ku jiro Cusbitalka.

Maxamadu Buhari, ayaa sheegay inuu aad u wanaagsanyahay caafimaadkiisa, islamarkaana uu isu arko inuu ku laaban karo dalkiisa, balse talada ay leeyihiin Dhakhaatiirta.

"Waxa aan dareemayaa in aan gurigayga ku laaban karo ,balse dhaqaatiirta ayaa iska leh masuuliyada," Mr Buhari ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Isagoo sii hadlay Madaxweynaha Nigeria ayaa ku kaftamay "Waxa aan hadda bartay sida loogu hogaansamo amarada ,badalkii aniga la ii hogaansami lahaa."

Lama oga xanuunka uu iska daweynayo Madaxweynuhu, xilli maqnaanshihiisa dalka ay keentay xiisad dadka qaybtiis dalbadeen inuu jagada iska casilo. Qaar kale oo ka mid ah shacabka reer Nigeria ee ku sugan magaalada Caasumadda ah ee Abuja ayaa ku baaqay in wax badan laga ogaado xaalada caafimad ee madaxwayne Buhari.

Kooxaha Mucaaradka ee looga adkaaday doorashadii 2015 ayaa ku andacooday inuu Madaxweynuhu qabo Cudurka Cancerka xubinta Taranka. Buhari ayaase warkaas goor sii horaysay beeniyay isagoo sheegay inuu caafimaadkii taam yahay dhawaana dalka kusoo laaban doono.

Lama oga waqtiga uu waddankiisa ku laabanayo Madaxweyne Buhari oo dalkiisa ka maqan ilaa sannadkan cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM