​Madaxweynaha Nigeria oo ku laabtay Abuja

Image

ABUJA, Nigeria- Madaxweynaha dalka Nigeria Mohamadu Buhari ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kadib muddo saddex bilood ah oo arrimo caafimaad u joogay waddanka England gaar ahaan magaalada London.

Shacabka dalkaas ee ku nool Abuja ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn iyagoo ku labisan calanka Nigeria islamarkaana ku heesayay suugaan ay kusoo dhaweynayaan madaxweynahooda.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cudubyo katirsan ciidamada qalabka sida dalkaas iyagoo shacabka ugu hamableeyay inuu kusoo laabtay dalka oo nabad ah islamarkaana uu caafimaad qabo.

Socdaalkan ayaa yimid kadib markii uu dhawaan shaaciyay inuu caafimaadkiisu wanaagsanyahay muddo saddex bilood ku dhow oo xaaladiisa lagu jaah wareersanaa.

Shacabka reer Nigeria ayaa mudadii uu ku maqnaa magaalada London ku kala qaybsanaa arrimaha la xariira maqnaanshihiisa, waxaana qayb kamid ah oo mudaharaad dhigay ay dalbadeen inuu xilka iska casilo halka kuwa kale ku doodeen in war lagu qanci karo shacabka laga siiyo xaalada caafimaad ee Madaxweyne Buhari.

Goor sii horaysa Madaxweynaha ayaa sheegay in go'aanka laabashadiisa ay gaari karaan Dhakhaatiirta isagoo xusay inuu mudadii uu xanuunsanaa bartay arrimo ay kamidyihiin in hogaamiyaasha laftigooda loo talin karo.

Madaxweyne Buhari ayaa  xafiiska la wareegay bishii May 2015 kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas hase ahaatee waxaa maamulka dalkaasi sii hayay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ku xigeenkiisa Osinbajo.

Tan iyo bishii June 2016 waxaa soo baxayay warar sheegaya in caafimaadka Buhari uusan wanaagsanayn waxaana uu markaas u tegey magaalada London baaritaan, iyadoo kaaliyaashiisa ay ku sheegeen sababaha uu u tegey in ay tahay xanuun ka haya dhegaha.

Afhayeenka Madaxtoyada dalka Nigeria ayaa sheegay in subaxnimada isniinta uu Khudbad u jeedin doono Madaxweyne Buhari Barlamanka dalka Nigeria.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM