Madaxweynaha Philippine oo aflagaadeeyay Obama

Image

Madaxwynanaha Maraykanka Barack Obama ayaa diiday inuu la kulmo Madaxweynaha dalka Philippine, Rogrigo Duterte, oo si shakhsi ah u aflaageedeeyay Obama.

Isniintii ayaa madaxweyne Rodrigo Duterte, waxa uu Obama ku tilmaamay in uu yahay wiilka hooyo jirkeeda ka ganacsan jirtay.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu markii dambe Mr. Duterte ku sheegay in uu ka xunyahay weerarkaasi shakhsiga ee uu ku qaaday Obama.

Madaxweyne Obama, oo ka degay dalka Laos ee koonfur bari Aasiya kaddib markii uu ka qayb galay shirka waddamada G20 ee lagu soo gaba-gabeeyay dalka Shiinaha ayaa lagu waday in uu walaac ka muujiyo tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka ee ka jira dalka Philippines.

Madaxweyne Obama markii hore waxa uu u muuqday mid aan waxbo ka soo qaadeyn aflagaadadaasi uga timid madaxweynaha Philippines, waxuuna sheegay in uu ka codsaday la taliyeyaashiisa in ay darsaan suurtagalnimad inay ka wada hadli karaan arrimo muhiim ah, balse markii dambe waxaa la joojiyay kulan dhex mari lahaa labadani mas'uul.

Socdaalkan ugu dambeeya ee uu Obama ku marayo qaaradda Aasiya isaga oo madaxweyne ah ayaa la kulmay dhowr dhacde oo aan fiicnayn, waxaana ka mid ah muran dhanka nidaamka ah oo kala dhaxeeyay dalka shiinaha oo marti gelinayay shirkii G20.

Qarmada Modoobay ayaa horey dhowr jeer u cambaareysay siyaasadda Duterte oo ay ku sheegtay in uu ku kacay xad-gudubyo ka dhan ah aadanaha.

Tan iyo markii uu madxtinimada dalkaasi uu la wareegay ayaa Mr Duterte waxa uu diiday in uu ka fiirsado aflagaadada madaxda caalamka.

Wuxuu horay u aflagaadeeyay Pope-ka, masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo danjiraha Maraykanka ee Philippine.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM