Madaxweynaha Sudan oo tagaya Sucuudiga

Image

Madaxweynaha dalka Sudan Omar Hassan Al Bashir ayaa lagusoo waramayaa in maalinta Jimcaha u safri doono shir ka dhacaya waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo looga hadlay arrimaha Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan Ibrahim Ghandour ayaa sheegay in Al Bashir uu safrayo maalinta ugu dambaysa asbuucan.

Hogaamiyahan, ayaa loo haystaa dambiyo kala duwan oo isugu jira, xasuuq iyo gabood fallo ka dhacay gobolka Darfur.

Sannadihii 2009 iyo 2010 ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, waxay waraan soo qabasho ah u jirta Cumar, waloow uu beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay.

Shirkan ay soo qaban qaabisay xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale lagu casuumay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo isna la filayo inuu dalkaas gaaro maalinta Sabtida.

Lama oga in labada hogaamiye kulmi doonaan iyo in kale. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli aad loo doon doonayo hogaamiyaha Sudan.

Kulanka oo dhici  doona todobaadka dambe, ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladda cakiran ee ka jira dunida Islaamka.

Donald Trump oo socdaalkiisii ugu horeeyay ayaa la filayaa inuu ka jeedo khudbad uu uga hadlayo xiriirka waddamada Islaamka.

Go’aanka socdaalka la xariira ee qabanaya dalalka Islaamka qaybtood ayaa la filayaa in shirkaas lagusoo hadal qaado.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna la filayaa inuu shirkaas ka qayb galo, wuxuuna todobaadka waraaq casumad ah ka helay boqorka dalkaas.

Farmajo ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalada Riyad oo si maamus leh loogu soo dhaweeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM