Madaxweynaha Turkiga oo xariga ka jarey dhisme Safaarad cusub

Image
Image
Image

MUQDISHU,Somaliya- Madaxweynaha dalka Turkiga oo booqasho maanta ku tagey magalaada Muqdishu ayaa xariga ka jarey dhisme cusub ee safarada ugu weyn ee dalkiisu ku leeyahay caalamka.

Munaasabada furitaanka dhismahaan ayaa waxaa ku weheliyey maaxweyne Erdogan Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh.

Erdwogan oo Khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa sheegey in dlakiisu sii wadi doono tageerada uu siiyo dowlada ka dhisan magalaada Muqdishu.

Dhismaha safaarada oo dhulka ay ku fadhido laga siiyey dalka Turkiga Halka ay ku taaley Dakadii hore ee magaalada Muqdishu ayaa dad badan wax iska waydiiyeen sharciyadiisa.

Booqashada Erdogan ku yimid magalaada Muqdhishu ayaa kamid ah safar maaxweynaha Turkiga ku soo marey wadamo ka tirsan qaarada Afrika.

Turkiga gaar ahaan qoyska Madaxweyne Erdogan ayaa dano dhaqaale ku leh wadanka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdishu halkasoo ku kooban tahay mashaariicda uu dalkaas la fuliyo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM