​Madaxweyne Obama oo digay dowladda Ruushka

Image

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa sheegay inuu u digay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin oo u ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay emailada loo dhacayo ee xukuumadda Washington.

Obama, ayaa sheegay inuu Putin ku wargaliyay inuu qaadan doono mas'uuliyadda cawaaqib xumada ka dhalan kara Computer-rada ay jabsanayaan haddii buu yiri ay sii joogteeyaan.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in warar dhanka mukhaabaraadka dalka Mareykanka uu helay xilligii doorashada muujinayaan in Ruushku fara galin toos ah ku sameeyay doorashada dalkaasi isagoo iskudayaya in uu u dhaco email-lada Xisbiga Dimuqraadiga.

Maalintii Khamiista ayaa afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku lug lahaa weerrarada dhanka Internet-ka ee lagu soo qaaday ololaha doorashada Mareykanka.

Eedayntaas waxaa gaashaanka ku dhuftay dowladda Ruushka oo sheegtay inaysan jirin wax faro galin ah oo ay ku sameeyeen doorashada dalkaasi ka dhacday.

Obama, oo sii hadlayay ayaa madaxweynaha uu xilka ku wareejin doono, Donald Trump ugu baaqay in marka uu la wareego xafiiska uu arrintaasi si dhab ah ula tacaalo, inkastoo ilaa iyo haatan aysan kala cadeyn in tallaabadaas ay saameyn ku yeelatay natiijada doorashada iyo inkale.

Xaaladda Ruushka iyo Maraykanka, ayaa cirka isku shareertay, waxaana ka dhextaagay loollan siyaasadeed oo xoog leh iyadoo dhowr mar uu hore ku fashilmeen inay xalliyaan mugdiga ku dhex jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM