​Madaxweynihii hore Chat oo la xukumay

Image

Maxkamad ku taalla waddanka Senegal, ayaa soo gaba gabaysay eedihii loo haystay madaxweynihii hore dalka Chat Hissene Habre, kaasoo lagu soo oogay eedo la xiriira tacaddiyo bini aadanimo oo uu gaystay waqtigii uu dalkaas xukumayay.

Habre, ayaa lagu xukumay xabsi daa'im, waxaana maxkamaddu caddaysay inay runyihiin dhammaan waxyaabaha loo haysto.

Hogaamiyihii hore Chat, ayaa lagu soo eedeeyay inuu dil, xarig iyo jirdil u gaystay dad tiradoodu gaarayso 40, 000 qof, mudadii uu dalkaasi ka talinayay 1982 ilaa 1990.

Hissene Habre, ayaan ku qancin go'aanka maxkamadda, wuxuuna gabi ahaanba diidanaa sharciyadda maxkamaddaasi u marayso xukunkiisa, balse wuxuu haystaa 15 cisho oo uu racfaan ku qaadan karo.

Qaadista kiiskan waxaa iska kaashaday xukuumadda Dakar iyo Midowga Africa, waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay oo hogaamiye Afrikan ah lagu maxkamadeeyo dal kale oo Afrika ah.

Ninkan la maxkamadeeyay, ayaa la qabtay sannadkii 2013 isagoo qaab magangalyo ah ku joogay dalka Senegal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM