Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy oo la xiray

Image

PARIS - Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo sii qaaday saldhig booliis si su'aalo looga waydiiyo eedaymo sheegaya in uu dhaqaale uu ku ol'olaystay ka qaatay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qaddafi.

Booliisku waxay baarayaan nidaam darro ka jirtay dhaqaalihii uu madaxweynenimada ugu ol'olaystay sannadkii 2007dii.

Booliiska ayaa horay su'aalo u waydiiyay. Alexandre Djouhri oo kaaliye u ahaana dhawaan ayaa lagu xiray magaalada London.

Sarkozy ayaa ka fariistay Siyaasadda kadib markii uu ku guuldarraystay in uu awoodda ku soo laabto sannadkii 2012kii, oo dorashadii xillgaasi dhacday uga adkaaday Francois Hollande oo noqday Madaxweyne ilaa 2017.

Ilo waaxda caddaaladda ka tirsan ayaa sheegay in su'aalo lagu waydiiyay deegaanka Nanterre, oo ka tirsan magaalada Paris.

Sannadkii 2013kii Faransiiska ayaa billaabay baaritaan ka dhan ah eedaymo sheegaya in ol'olihiisa doorashada loo adeegsaday dhaqaale sharcidarro ah oo laga helay Qaddaafi. Laakiin Sarkozy wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Ilo ayaa sheegay in booliisku ay su'aalo waydiiyeen Brice Hortefeux oo isna ka tirsanaa golihii wasiirrada ee xiligii Sarkozy, arrintaasina waxay dhacday isla Talaadadan.

Eedaymahan ayaa ka imanaya Ziad Takieddine oo ah ganacsade Lubnaaniis ah oo haysta dhalashada Faransiiska iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii hore dawladdii Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM