Madaxweynihii hore ee Gambia oo loo diiday inuu galo Mareykanka

Image

BANJUL, GAMBIA - Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahya Jammeh iyo xubno ka tirsan qoyskiisa loo diiday inay galaan Maraykanka.

Go'aanka ayaa yimid kadib laba sano markii Jammeh lagu qasbay in u cararo Equatorial Guinea kadib markii looga adkaadey doorashadii madaxweynaha Gambia, taasoo uu diiday inuu aqbalo natiijadeeda.

Jammeh aya soo xukumay dalkan ku yaalla galbeedka afrika muddo 20 sano ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa sheegaysa in Jammeh uu ku eedeysan yahay "musuqmaasuq iyo xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah" mudadii uu xukunka Gambia hayay.

Jammeh, xaaskiisa Zineb, gabadhiisa Mariam iyo wiilkiisa Muhammad ayaa loo diiday inay Mareykanka galeen, si halkaasi ay ugu noolaadaan, maadama aysan dalkoodii hooyo kasoo carareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM