Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo geeriyoodey

Image

WASHINGTON - Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, George HW Bush ayaa shalay oo Jimco ahayd ku geeriyoodey magaalada Houston, isagoo 94, sida uu xaqiijiyay wiilkiisa George W Bush.

Bush, oo soo noqday Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka ayaa dhintay 8 bilood kadib markii xaaskiisa Barbara Bush ay geeriyootey, April 17, 2018.

"Jeb, Neil, Marvin, Doro iyo aniga waxaan ka xunahay inaan shaacino 94 sano kadib uu geeriyoodey aabaheena," waxaa sidaasi yiri George W Bush, Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo qoraal soo saarey.

Wali lama shaacin sababta geerida George Herbert Walker Bush, balse waxay kusoo beegmaysaa xilli bishii June ee 2018 laaga soo saarey Istbitaalka oo laga soo daaweeyay xanuunka Dhiig-karka.

 -Taariikhdiisa Siyaasadeed -

Bush ayaa mudo labo jeer ah Madaxweyne ku-xigeenka usoo noqday Ronald Reagan, Madaxweynihii 40aad ee Mareykanka oo xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1981 ilaa 1989.

1976, Bush waxa uu noqday madaxa CIA-da, kahor inta uusan noqon Madaxweynaha Mareykanka 1981, xilkaasi oo uu hayay illaa 1989, iyadoo uu kaga guuleystay doorashada Bill Clinton.

Wiilkiisa George Walker Bush ayaa sidoo kale Madaxweyne kasoo noqday Mareykanka labo jeed oo isku xigtay intii u dhaxeysa 2001 illaa 2009, waa qoyska ugu badan ee soo qabta hogaanka dalkan dunida ugu awoodda badan, dhaqaale ahaan iyo militeri ahaan.

Bush waxaa lagu xasuustaa inuu Mareykanka ku hogaamiyay siyaasadda arrimo dibadeed khatar badan, isagoo dagaalkii gacant Carabta ee u dhaxeeyay Iraq iyo Iran, oo kaalin uu ka qaatey islamarkaana geeyay gobolka geeyay 400,000 oo Askari.

Ciidamada Mareykanka xilligii mamulkiisa waxay difaaceen Kuwait oo ciidamada Iraq dowladdii Sadaam Xuseen ay la wareegeen, kadib markii ay Iran la safatay.

Bush ayaa Muqdisho booqasho ku yimid horaantii 1993 xilli uu xilka Madaxweynaha ka degayay, hal bil kadibmarkii ciidamadii UNOSOM ay dalka yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM