Malaayiin qof oo adeegsada Facebook oo xogtooda gaarka ah la xaday

Image

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in "ku dhawaad 50 milyan" oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageedka ka timid awgood.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa'iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yidhaa "View As" taas oo u sahashay in ay fakaag u helaan xogta dadka.

Dhacdadan waxa la ogaaday Salaasadii, booliskana waa lagu wargeliyey ayey tidhi Facebook.

Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xidhaan bogagooga oo hadana dib u furaan.

Cilladii farsamo ee nugaylkaa keentay haatan waa la furdaamiyey, ayuu ku yidhi qoraal madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkaddu, waxaanu intaa ku daray in bogagga dadka arintaasi saamaysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyo sida oo kale in la qaaday "talaabooyin ka hor tag ah" oo lagu daryeelay 40 milyan oo bog oo kale.

Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii Jimcihii, ayaa waxa si joogto ah u adeegsada shabakadeeda laba bilyan oo qof bishii ba.

Hase yeeshee shirkaddu may sheegin dalalka ay ku kala suganyihiin 50 milyan ee qof ee bogagooda la jabsaday, laakiin waxay wakaaladda ilaalad xogta internet-ka ee dalka Ireland, oo xarun u ah qabteeda Yurub, ku wargelisay dhacdadan.

Dadka bogagga ay ku leeyihiin Facebook laga yaabo in arintani saamaysay ayaa marka ay damcaan in ay furtaan waxa u soo baxaysay fariin u sheegaysa in ay xidhaan boggooda oo dib u furtaan, hase yeeshee shirkaddu waxay sheegtay in dadkaa midkoodna aanay qasab ku noqon in ay bedelaan erayada sirta ah ee ay ku galaan bogaggooda.

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM