Maraykanka: 50 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Orlando

Image
Image
Image

Weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Orlando gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayaa lagu dilay in kabadan 50 ruux, waxaana ku dhaawacmay 53 kale siday caddeeyeen saraakiil katirsan booliiska dalkaasi.

Dadkan ayaa dhammaan waxaa toogtay qof hubaysnaa kaasoo u dhashay magaalada New York, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Afghanistan.

Booliiska ayaa markii dambe ruuxaasi dilay, kadib markii uu afduubtay qaar kamid ah shakhsiyaadkii weerarka ka badbaaday.

Booliiska ayaa ku waramay, inay baarayaan dhacdadan qaabka ay u dhacday, iyogoo sheegay inay kala caddayn doonaan weerarkan inuu xiriir la leeyahay Argagixiso iyo in kale.

Sawirro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada gaar ahaan Twitterka, ayaa muujinayay gurmad xooggan oo ay sameeyeen ciidamada Booliiska oo wata baabuur gaashaaman iyo kuwa gargaarka, in kastoo ay jiraan kuwo dhaawacyo soo gaareen sida lagu baahiyay boogga rasmiga ah ee Booliiska Orlando.

Magaalada Orlando, ayaa waxaa maalmahan kusoo badanayay toogashooyinka, waxaana dhawr maalin ka hor la dilay fanaan caan ah oo waqtigaasi kasoo baxday riwaayad ay ku dhigtay mid kamid ah baararka ku yaalla magaaladaasi.

HALKAN KA DAALACO WARARKA UGU DAMBEEYAY DHACDADAASI

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM