Maraykanka oo ballaarinaya howlgalka Al Shabaab

Image

Saraakiil ka tirsan waaxda Pentagong-ka Mareykanka ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AP in la kordhinayo howl gallada milateri ee Somalia, xilli uu sii kordhayo wal walka Mareykanka ka qabo kooxaha argagixisada. Sida lagasoo xigtay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka, Arrintan ayaa looga golleeyahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Shabaab oo khatar badan ku haysa gobolka gaar ahaan Somalia.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa xusay in walwalka ugu badan saaranyahay dhinaca Somalia, wuxuuna intaas ku daray in awoodda loo kordhin doono ciidamada ka howlgala Africa. Taas waxaa lagu macneeyay in xukuumadda Washington qorshaynayso ciidamo dheeraad ah oo loosoo diro Somalia si ay uga qayb qaataan dagaalka.

Howlgallada ka dhanka ah Shabaab ayaa xogta laga helayo Wasaaradda Difaaca Maraykanka ay sheegaysaa inay ka duwantahay sidii hore, waxaana jiri doona is-gaashaanbuursi xoog  leh oo ay la samaynayaan ciidamada Somalia.

Illaa 50 askari oo ka tirsan Kumaandooska Mareykanka ayaa isku bed-bedela Somalia, kuwaasoo howshooda tahay la talin iyo tababarada Ciidamada Somalia.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa ka gaabsaday arrintan oo markii hore aheyd soo jeedin ka timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dalbaday in la kordhiyo howl gallada ka dhanka ah Kooxaha ISIS, Al-Qaacida iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh.

Arrintan ayaa soo if-baxday kadib markii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaaciyay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab wixii ka dambeeyay weerarkii dadka badan lagu diley ee bartamihii bishan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Macadda xilli qorshahan dhaqan gali doono, balse waxaa la qorshaynaa inuu dhakhso yimaado maadama Al Shabaab hanjabaado kala duwan warbaahinta marinayso wixii ka dambeeyay doorashada Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM