Maraykanka oo sheegtay dilka sarkaal katirsan Daacish

Image

War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Maraykan ayaa lagu sheegay in ciidamada dalkaas oo howgal toos ah ka sameeyay gudaha Suuriya ay dileen hogaamiye sare oo katirsan ururka la magac baxay Daacish.

Sida uu baahiyay afhayeenka Pentagon-ka, John Thomas, weerarkaas waxaa lagu dilay kaaliyihii hogaamiyaha kooxdaas Cabduraxmaan al-Uzbeki.

Wuxuu aad ugu dhawaa oo xiriir hoose lahaayeen hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abu Bakr al-Baqdaadi.

Ninkan ayaa wasaaraddu sheegtay in la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ma bixin afhayeenku.

Pentagon-ka ayaa ku eedeeyay Al-Uzbeki inuu ku lug lahaa qorshaynta weerarkii lagu qaaday xarun caways oo ku taal Istanbul horraantii sannadkan oo lagu dilay ugu yaraan 9 qof.

Dalka Suuriya, waxaa jooga in kabadan boqol ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay talo siiyaan kooxaha mucaaradka.

Waxaa lagu eedeeyaa inay sameeyaa howl gallo naadir ah, iyagoo aan wax muhiimad ah iska saarin kooxda Daacish oo dib ku haysa bariga dhexe.

Maaha markii ugu horaysay oo dowladda Maraykanku sheegato mas’uuliyadda weerar lagu dilay sarkaal sare oo katirsan kooxda Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM