Mareykanka oo iska difaacey eedeyn uga timid Galmudug iyo dowlada Federaalka

Image

Hadal kasoo baxay wasarada difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegey Iney qaadeen weerar cirka ah oo ay isaga difaacayeen khatar kooxda Al shabab oo kusoo wajahneed.

Weerarka  Mareykanka ay sheegtey waxaa xaqiijiyey sarkaal u hadlay dowlada Somalia oo xusey in ciidamo ka tirsan kuwa Federaalka weerar duqeyn ah ee loogu gaystey agagaarka Galkacayo laga diley 22 halka dhaawaca uu ku sheegey 16 askari.

Sarkaal u hadlay wasarada difaaca Mareykanka ayaa eedeytaan ku tilmaamey mid aan waxba ka jirin. 

Maamulka Galmudug wasiirkooda amniga oo la hadlay saxaafada ayaa xusey in dowlada Mareykanka weerarkaan qaadey kadib markii sirdoonka Puntland warbixin khaladan siiyeen.

dowlada Puntland oo ciidamo ay leedahay weerarkaan ka qayb qaateen ayaa hadal kasoo saarin eedeyntaan uga timid dhanka Galmudug.

Dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug ayaa xiirkoda fiicneyn ka dib markii sanadkii hore ku dagaalameen magaalada Galkacayo. 

Maamulka Galmudug oo kooban magaalada Cadaado ayaa gobolka Galkaguduud waxaa ka arimiya ururka Ahli Sunah halka magaalada Galkacyo koonfurteeda joogaan maleeshiyaad kala duwan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM