Mareykanka iyo Shinaha oo dagaalkii ugu xumaa ka dhex qarxay

Image

WASHINGTON - Canshuur kordhin cusub oo kale oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dhaqan-galay maanta oo Isniin ah.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa badeecadaha Shiinaha uu usoo dhoofiyo Mareykanka dul saaray tacriif cusub oo gaareysa $200 oo bilyan oo doollarka Mareykanka ah, halka Shiinaha uu 60 bilyan oo doollarka Mareykanka oo canshuur kordhin ah ku rogay alaabta ay shirkdaha Mareykanka u iib-geeyaan Shiinaha.

Dhammaan canshuurahan cusub ee ay labada dhinac isugu jawaabeen ayaa dhaqan-galay xalay laba iyo tobanki iyo hal daqiiqo marki ay aheyd saacadda magaaladan Washington DC.

Tacriifaha cusub ayaa si gaara ah u saameynaya wax soo saarka shirkadaha shiinaha sida qalabka elektarooniga, cuntada iyo qalabka guryaha, waxay ku billaaban doontaa boqolkiiba 10, kaddibna waxay sare ugu kici doontaa tacriifta ilaa boqolkiiba 25 marka la gaaro 1-da bisha Jannaayo ee sannadka 2019-ka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu kaga guuleysan doono Shiinaha dagaalka walba oo dhinaca ganacsiga ah.

Dowlada Shiinaha ayaa hadal qoraal ah oo ay arrintani kasoo saartay in canshuuraha uu Mareykanka saarayo badeecada Shiinaha ay Washington ugu caga-jugeleyneyso dalalka kale ee caalamka si u raacaan tilmaamaha ganacsi ee Mareykanka.

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM