​Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Venezuela

Image

Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa gaashaanka u daruuray cunaqabateynta uu Mareykanku ku soo rogay saddex iyo toban qof oo ka mid ah saraakiisha ugu sarsareysa dhanka siyaasadda iyo milateriga ah.

Maduro ayaa cunaqabateynta ku tilmaamay inay tahay mid sharci-darro ah, ceeb ah iyo weliba aanan horay loo arag.

Waxa uuna wacad ku maray inuu qaban doono doorashada oo uusan dhag jalaq u siinayn cadaadiska caalamiga ah ee saaran.

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa waxaa lagu xanibay hantida Mareykanka ka taal dadka ku jira liiskaasi, iyo sidoo kale in hay'adaha Mareykanka aanay wax ganacsi ah la sameyn karin shakhsiyaadkaasi.

Dadka ku soo baxay liiskaasi waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo abaanduulaha milateriga dalkaasi Venezuela.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Mr Maduro inuu joojiyo codbixinta uu muranka ka dhashay ee la qabanayo maalinta Axadda ah taasi oo lagu dooranayo baarlamaan leh awood dib loogu qori karo dastuurka, taas oo uu Mareykanku ugu yeeray inay halis ku tahay dimuqraadiyadda.

Todobaadkii la soo dhaafay, ayuu Madaxweyne Donald Trump, waxa uu wacad ku maray inuu Venezuela ku soo rogi doono cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah oo xooggan haddii uu Madaxweyne Maduro qabto doorashada lagu wado inay dhacdo maalinta Axadda ah.

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM