Mareykanka oo dhimaya qaxootiga Africa iyo Bariga Dhexe

Image

WASHINGTONG - Wasaaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa soo jeedineysa in ay Mareykanku qaabilaan tiro ka yar qaxootigii la qorsheeyey sanadkii hore in ay ka yimaadaan wadamada Africa iyo Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa doorbidaya inuu kordhiyo qaxootiga ka yimaada dalalka Asia, Yurub, Latin America iyo Caribbean-ka sanadaha soo socda, sida lagu sheegey qoraal wasaarada laga heley.

Afhayeenka wasaarada ayaa ku xaqiijisey email jiritaanka qorshahaas oo markii u horeysey ay baahisey jariidada Politico.

Tiradan ayaan aheyn mid kama danbeys ah, oo la isku raacay balse wasaarada arrimaha dibada ayaa u sheegtey VOA todobaadkii hore in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay wadatashi kala yeelanayaan arrintaas Congress-ka ka hor inta uusan dhamaan sanad howleedka dowlada oo ku eg 30-ka bishan September.

Ka dib wadatashigaas ayaa la filayaa inuu madaxweyne Trump soo saaro baaqa sanadlaha ah ee madaxweynaha kaasoo xaqiijin doona waxa loogu yeero tirada qaxootiga sanadka soo socda loo ogolaan doono Mareykanka.

Isbedelka lagu sameeyey goobaha ay qaxootigu ka yimaadaan ayaa ka mid aheyd soo jeedin la doonayey in lagu dhimo tirada qaxootiga Mareykanka la dejinaayo sanadka 2019-ka oo ah 30,000. Tiradan ayaa ah tii ugu yareyd qaxooti dalkan yimaada sanad taariikhda.

Related Articles

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM