​Mareykanka oo fahfaahin ka bixiyay weerar ka dhacay Somalia

Image

NAIROBI, Kenya- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka warbixiyay Duqeyn cirka ah oo Khamiistii aynu soo dhaafnay lala beegsaday Saldhig kooxda Al Shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia.

Afhayeenka AFRICOM Mark Cheadle, ayaa xusay in Labo Diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ay fuliyeen howlgalka oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Mark Cheadle ayaa intaasi ku daray in Duqeynta ay ahayd mid qorsheysan oo ay ka gacan siiyeen Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Weerarka waxaa daba socday dagaal toos ah, oo dhulka ka dhacay kaasi oo dhexmaray Ciidamada Kumaandooska Somalia, oo garab ka helaya kuwa Mareykanka iyo Dagaalyahanada Al shabaab.

Mark Cheadle waxuu intaas ku daray inay maxaabiis kasii daayeen xabsi Al shabaab ku leedahay deegaanka Kuunya Barrow, isagaa intaasi ku daray inaysan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda soo gaarey.

Al shabaab oo ka hadlaysay howlgalkaas ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qadeen Ciidamada AMISOM, kuwa Kumaandooska Dowladda Federaalka oo garabsanaya Askarta Mareykanka.

Horaantii bishan ayaa sidan oo kale Mareykanka u weeraray Saldhiga Al shabaab ee degmada Saakow, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe, kaasi oo wali aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM