Mareykanka oo halis cusub oo soo wajahday iyo ciidamo la dhigay xadka

Image

WASHINGTON - Ciidamadan shanta kun ka badan ayaa ku biiraya 2,100 askari oo ka tirsan ilaalada qaranka oo hadda ku sugan soohdinta, kuwaasoo halkaa la geeyay ka dib markii uu amar ku bixiyay madaxweyne Trump bishii April.

Labada xisbi ee ugu weyn Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inay ujeedooyin siyaasadeed ka leeyihiin arinta muhaajiriinta oo ay doonayaan inay kaga faa'iideystaay doorashooyinka todobaadka dambe dhacaya ee ay ugu tartamayaan aqlabiyadda Congress-ka.

Muhaajiriintan ka soo hayaamay dalalka ku yaal bartamaha Amerika ayaa qiyaastii 1,600km u jira soohdinta uu Maraykanka la leeyahay Mexico.

Taliyaha ciidamada ilaalada xuduudaha ee Maraykanka, Kevin McAleenan ayaa sheegay inay culays badan kala kulmayaan arinta muhaajiriinta, isla markaana ay xoogga saarayaan xaqiijinta ammaanka xuduudahooda.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Maraykan ah ciidamo badan ku daabulo soohdinta uu dalkiisa la leeyahay Mexico.

Madaxweyne Barack Obama ayaa markii uu xilka hayay geeyay soohdintaasi ku dhawaad 1,200 oo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka, halka madaxweynihii ka horreeyay ee George W Bush uu ku dhawaad 6,000 oo askari dhigay soohdintaasi.

Sida uu ku warramayo wageyska Wall Street Journal, askarta uu hadda u dirayo Maraykanka soohdinta uu la leeyahay Mexico ayaa ka badnaan doona wadarta kuwa dalkaasi ka jooga Suuriya iyo Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM